Magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka furmaya shirweynaha ururka iskaashiga Islaamka oo ay martigelinayso dowladda federalka ah ee xarunta dalka Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Qaar kamid ah ergooyinka ka socda dalalka ka qaybgeli doona shirkaasi ayaa maalinimadii shalay ilaa saaka siyaabo kala duwan loogu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee xarunta dalka oo ah halka uu shirkaasi ka furmi doono.
Hadda waxaa ku sugan Muqdisho Wafdi ka socda Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga , Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.
hirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh.
Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal.
1- Azerbaijan
2- Brunei
3- Djibouti
4- Egypt
5- Gabon
6- Iran
7- Kuwait
8- Malaysia
9- Pakistan
10- Qatar
11- Saudi Arabia
12- Sudan
13- Turkey
14- UAE
15- Yemen