600 Deg Deg Daawo Video:Xaaskii Wariye Jamal Khashoggi Oo La Hadashay Warbaahinta. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Xaaskii Wariye Jamal Khashoggi Oo La Hadashay Warbaahinta.

Gabadhii uu doonayay in uu guursado Wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhax dilay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul ayaa ka hadashay dareenkeeda iyo casuumad uu u fidiyay Madaxweyne Trump.

Halkan Ka Daawo Video

Hatice Cengiz oo aheyd gabadhii u doonaneyd Wariye Jamal Khashoggi ayaa shaaca ka qaaday in ay iska diiday casuumad uu u fidiyay Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump oo ku martiqaaday Aqalka cad.

Gabadhan ayaa ku eedeesay Madaxweyne Donald Trump iyo dowladiisa in aysan daacad ka aheyn baaritaanka dilkii foosha xumaa ee gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbuul loogu geestay Jamal Khashoggi.

Hatice Cengiz ayaa iyada oo ilmeeneysa sheegtay hadii ay ogaan laheyd in Jamal Khashoggi lagu dhax dilayo gudaha Qunsuliyada Sacuudiga in aysan u ogolaan laheyn in uu tago Qunsuliyada Sacuudiga.

” Hadaan ogaan lahaa in Jamal lagu dhax dilayo gudaha Qunsuliyada ma ogolaan laheyn in uu tago , Waxaan codsanaya in dhammaan dambiilayaashii ku lugta lahaa dilka Jamaal Kaashogji la ciqaabo, maxkamadda la horkeeno” ayay tiri Hatice Cengiz.

Waxa ay sidoo kale sheegtay Hatice Cengiz in wali saraakiisha Sacuudiga aysan lasoo xiriirin, waxa ayna sheegtay in aysan tagi doonin Sacuudiga si ay uga qayb gasho aaska Kaashogji inta laga helayo maydkiisa.

Dowlada Sacuudiga ayaa lagu tuhmayaa in ay qorsheesay dilka Wariye Jamal Khashoggi, waxaana wali socda baaritaanada dilka Wariye Jamal Khashoggi oon wali meydkiisa aan la ogaan halka uu ku dambeeyo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Dil Ka Dhacay Buuhoodle iyo xaalada Oo Kacsan
- Jan 13, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle Ka dhacay Dil salka ku haya dil dhawaan Ka ...
Gunimada Hadhaysay Reeraha Dhulbahante Ee Safafka ugu jira Diiwaangalinta isaaq iyo Sida caqliga Looga Dilay
- Jan 12, 2021
Maamul Beeleedka SNM Deegaano kamid ah Gobolada SSc oo u badan Tuulooyin waxaa ...
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...