600 Deg Deg Daawo Video:Saraakiisha Jubaland Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Kismaayo. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg Daawo Video:Saraakiisha Jubaland Oo Ka Hadashay Dagaalkii Ka Dhacay Kismaayo.

Xaalada magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose ayaa caawa degan kadib markii galabta xiligii Qorax dhaca uu ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeyey ciidamada Juballand iyo ciidamo kale oo qaab beeleed u abaabulan.

Halkan Ka Daawo Video

Dagaalka oo xoogiisu ka dhacay xaafada Calanley ee magaalada Kismaayo ayaa la isku adeegsaday hubka culus iyo midka fudud, iyadoo gudaha magaalada laga maqlayey madaafiic iyo Tacshiirad la isweydaarsanayey.

 

Afhayeenka laamaha Amniga Jubbaland Siciid Joogsade ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen ciidanka amniga lagu qabtay 11 nin oo hubeysnaa kuwaasoo uu ku sheegay inay ahaayeen rag abuurayay amnidaro.

 

“Ciidamadda Amniga dowlad Goboleedka Jubbland oo maanta ka fuliyay Magaaladda kismaayo Howlgal lagu xoojinayo Amniga ayaa gacanta ku soo dhigay intii uu howlgalka socday 11 Ruux oo ahaa koox hubeysan oo doonayay inay abuuraan xasilooni daro amni iyaga hubkoodii” ayuu yiri afhayeenka.

 

Dagaalka ka dhacay Kismaayo ayaa ka dambeeyay amarro ka soo baxay maamulka Axmed Madoobe oo lagu mamnuucay in wax hub ah lagu dhex qaato magaalada.

 

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay dagaalka kuwaasoo uu ka mid yahay oday nabadoon ahaa, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, waxaana ka dhashay dagaalka khal khal xoogan oo la soo dersay shacabka magaaladaas

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Faysal Cali Waraabe”Hargaysa Gudaafad Bay Noqotay
- Jan 24, 2021

Deg Deg::Dawlada Somalia Shuruud Adag ku xidhay Jubaland iyo Puntland,
- Jan 24, 2021
Wararkii ugu dambeeyey ee aan ka heleyno muranka ka taagan doorashada Soomaaliya ayaa sheegaya ...
Deg Deg:Puntland Oo Ciidan Amar Gaar ah Qaba U dirtay Badhan
- Jan 24, 2021
Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland, oo maalmo ka hor gaaray degmada Badhan, ayaa si ...
Fadeexad weyn: Dhaqaalle Xoogan Oo Bilkasta Barlamaanka Soomaaliya iyo Shaqaalaha Dawladu Siiyan Alshabaab.
- Jan 23, 2021
Xog hoose oo KhaatumoNews.com uu siiyay mid kamid ah Barlamaanka Soomaaliya, ee wakhtigiisu ...
Daawo:Musharax Beesha Isaaq Ka dhex Hadlayso Oo Fagaaraha la yimid Isaaq hala siiyo Magdhow,
- Jan 23, 2021