Dagaal Beeleedka kasoo cusboonaaday Gobolka Sool Ee Beelaha Walaalaha isku hayaan khasaaro badana geystay ayaa waxaa soo badanaya Baaqyada loo dirayo dhinacyada is haya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Halkan Ka Daawo Video

Waxgaradka iyo Salaadiinta Soomaaliyeed ayaa fariin udiray beelaha diriraya,ayna ugu baaqeen in la joojiyo colaadaasi.

 

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliyeed Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Kulankii Maanta ka dhacay Muqdisho Ee Xildhibaanadu yeesheen in ay ku baaqayaan daminta Xiisada Dagaal ee ka dhalatay Colaada Dhumay.

 

Gudoomiye Mursal waxa uu sheegay inay Dawlada Dhexe iyo Dawlad Gobolleedyada Dalka looga baahan yahay ka qeyb qaadashada joojinta Colaadaasi Duleedka Laas caanood kasoo cusboonaatay.