War Deg Deg Ah;Madaxweyne Farmaajo Oo Qarka Usaaran In Xilka Laga Qaado iyo Mooshinkii ugu weynaa Oo Socda,

Warar hoose oo ay heleyso Wakaalada Khaatumonews.com ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo Qorshaha Mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo Waji cusub uu lasoo baxay ka gadaal Xildhibaano badan oo ku biiray Liiska Xubnaha saxiixaya Mooshinka.

Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ayaa hor boodaya Mooshinkan abaabulkiisa xoogan uu ka socdo Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu eedeynayaa inuu ku guul-dareystay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha loo dhanyahay, waxaana bilow taagan howlihii aasaasiga u ahaa 2020-ka sida: Federaaleynta, Dhameystirka dastuurka, sharciyada iyo qaabka doorashooyinka, dhismaha ciidamada xoogga dalka, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo tallaabooyinkii looga baahnaa dowladnimada.

Villa Somalia ayaa ku howlan daminta Mooshinkan si banaanka uusan u imaan oo Baarlamaanka aan loo horgeyn, waxaana Hotelada ugu waa weyn Magaalada Muqdisho ka socda Kulamo kala duwan.

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay inay ku jiraan liiska xubnaha saxiixay Mooshinka iyagoo sheegay in magacyadooda in laga been abuurtay.