War Deg Deg Ah::-Madaxweyne Mustafa Cagjar oo ka hadlay Cafiska uu dalbaday Cabdi Iley!

Madaxwenaha maamulka Soomaalida Mustafa Muxumed Cumar Cagjar ayaa ka hadlay cafiska uu dalbaday Madaxwenihii hore ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo ku xiran xabsi kuyaala magaalada Adis Ababa.

Mustafa Cagjar ayaa ku eedeeyay Cabdi Maxamuud Cumar in dambiyo kala duwan ka galay dadka iyo deegaanka , waxa uuna sheegay in isagu shaqsiyadiisa kaliya uu cafin karo balse uusan ka cafin karin dambi uu dad kale ka galay.

Waxa uu sheegay Mustafa Cagjar in Madaxweynihii hore ee DDSI uu mari doono cadaalada , waxa uun a cadeeyay hadii dambi lagu helo in uu ciqaabteeda mari doono hadii lagu waayana maxkamada ay iska fasixi doonto.

“Aniga cadaalada in la mariyo ayaa ku talin lahaa, wixii uu ka helaba, waayo aniga waxa cafin karaa wixii shaqsiyan aan ka tabanayo, dadkii dhibaateysnaa ee tobanaanka kun eheladooda la baabi’iyay ayay u taallaa, howl aan aniga qaban karo ma ahan”ayuu yiri Mustafa Cagjar

Madaxweynihii hore ee Soomaalida Itoobiya oo hada Maxkamad uga socoto magaalada Adis Ababa ayaa hore cafis uga dalbaday Madaxda dowlada Itoobiya iyo dadka Soomaaliyeed ee ka tabanaya in uu dhibaato gaarsiiyay.