Deg Deg Daawo:–Xubno ka mida Jidhka Jamal Khashoggi oo la helay+Halka laga helay

Telefeshinka SKY News ee xaruntiisa dhexe ku taala dalka Britain oo xiganaya illo uusan magacaabin ayaa sheegay in jardiin ama Beer ku dhextaala guriga Qunsulka Sacuudiga laga helay qeybo kamida jirka Saxafiga oo la jarjaray iyo Madixiisa oo la burburiyay.

Baarayaasha Turkishka ayaa waxa ay maalmahani baaritaan ka dhex wadeen Guriga Qunsulka oo 500 talaabo u jira dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga, halkaasi oo bishan 2-da lagu dilay Saxafiga Jamal Kashoggi.

Warkan ayaa soo baxay kadib markii Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan uu maanta faahfaahin ka bixiyay dilka Jamal Kashoggi, waxa uuna walaac ka muujiyay inaanu wali la helin Meydka Saxafiga.

Halkan Ka Daawo Video

Erdogan waxa uu Saraakiisha Sacuudiga ka codsaday inay sheegan halka ay ku aaseen Meydka Saxafiga Jamal Kashoggi.

Warbaahinta Turkiga waxa ay sheegen in Hanti uu leeyahay Jamal Kashoggi laga dhex helay gaari ay leedahay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Dhinaca kale, Afhayeenka Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegay in wax laga walaaco ay tahay in qeybo kamida jirka Saxafigaas la helo, halka qeybna aan laheyn.

Haddalka Afhayeenka ayaa ahaa “Goobta laga helay jirka saxafigaasi waa mid kamida su’aalaha aan dooneyno inaan helno jawaabtooda, iyadoo aan jawaab buuxda ka sugeyno baarayaashaTurkiga”, ayuu yiri afhayeenka.