600 War Deg Deg;–Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dagaalka Koonfurta Sool. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg;–Dawladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Dagaalka Koonfurta Sool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah ee ku dirarsan deegaanada Dhumay, Dharkayngeenyo iyo nawaaxigeeda. Waxayna tacsi u dirayaan eheladii ay dadkoodi ku geeriyoodeen dirirta sokeeye.

Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaraha DFS waxa ay ku boorrinayaan, Garaadada, Madaxdhaqameedka, Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka degaannadaas in ay u guntadaan nabadda, joojiyaanna dhiigga beelaha walaalaha ah ee daadanaya.

Waxaa ayaan darro ah in ay soo noqnoqoto aafadan ragaadisay nabadda iyo xasilooninada deegaanada Gobalka Sool.

Dowladda federaalku waxa ay ka qaadan doontaa doorka uga aaddan sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa deegaanadaas. Sidoo kale Madaxwaynaha iyo Ra’iisulwasaaruhu waxa ay farayaan hay’adaha gargaarka dowladda in ay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka dhaawaca ah iyo kuwa ku waxyeeloobay dagaalada ka soo cusboonaaday deegaannaddas.

Dowladda Federaalku waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan umadda Soomaaliyeed in laga shaqeeyo horumarka iyo midnimada lana ilaaliyo nabadda iyo xasiloonida oo aad aas u ah guud ahaan horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Hadeer waxaa hadhay in dadka iyo masaajidada la iibsado marka la eego waxa ka socda laascaanood
- Jan 22, 2021
Laascaanood maanta waxay maraysaa halkii ugu xumaa waxaa biloday in la iibiyo dhulkii danta ...
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...