600 War Deg Deg Ah:Mooshin laga Wado Madaxweyne Farmaajo. | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Mooshin laga Wado Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaan Farxiyo Axmed Xasan oo ka tirsan aqalka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa iska fogeysay inay qeyb ka tahay ama ogtahay xildhibaanno saxiixay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa kale oo ay aad u cambaareyneysaa xildhibaan golaha ka tirsan oo liiska ku daray magaceeda iyo saxiixeeda.

 

Marwo Farxiyo oo la soo xiriirtay Warbaahinta ayaa tiri “Aniga oo ah Xildhibaan Farxiyo Axmed Xasan ma saxiixin, qofna iguma matalo, waayo waxaan ahay xildhibaan qaran, garanaya waajibka i saaran, isla markaana mas’uul ka ah dalka, dadka iyo diinta”.

 

Xildhibaan Farxiyo oo sii-hadleysa waxaa ay tiri “ Aniga kutlad ayaan ka tirsanahay, wax ay ii sheegeen ma jirto, wax aan saxiixay ma jirto, magaceyga iyo qalinkeyga aniga ayaa xor u ah”.

 

Mooshinka ka dhan ah madaxweyne Farmaajo ayaa ka socda caasimadda Muqdisho, waxaa la hadal-hayaa inuu yahay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah, maamulka Farmaajo ayaa lagu eedeynayaa inuu ku guul-dareystay arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha loo dhanyahay, waxaana bilow taagan howlihii aasaasiga u ahaa 2020-ka sida: Fedeleynta, Dhameystirka dastuurka, sharciyada iyo qaabka doorashooyinka, dhismaha ciidamada xoogga dalka, xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada iyo tallaabooyinkii looga baahnaa dowladnimada.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021

Deg Deg:Duleedka Buuhoodle Oo Lagu Dilay Nin Isaaq Ah,
- Jan 20, 2021
Waxaa Duleedka Magaalada Buuhoodle, Gaar ahaan Aaga Tuulada Dandan lagu dilay Nin Deegaan ...
Deg Deg Daawo:puntland Oo lacag Xoogan Duldhigtay Afhayeenka Al-shabaab,
- Jan 20, 2021
Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa u ...
Ded-deg Daawo Video:- Wiil reer SSC ah oo ku dhiban Magafaha Liibiya
- Jan 20, 2021
Fadlan Caawi dhibane Axmed maxamed Cumar oo ka soo jeeda SSC oo ku dhibaateysam ...
Deg Deg:Go’aamo culus Oo Ka Soo Baxay Shir Buuhoodle Ka dhacay,
- Jan 19, 2021
Shir Nabadeed Caawa ka dhacay Buuhoodle oo Heshiis Hordhac ah Laga gaadhay senterka Qabalaha shaxda ...