War Deg Deg Ah:Dagaalkii Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame Oo Saaka Mar Kale Qarxay.

Waxaa Saaka Mar kale Dagaal Culus Ka qarxay Deegaanada Koonfurta Sool oo Ilaa Shalay Labada Galinba uu ka socday Dagaal culus oo u dhexeeya Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame.

 

Dagaalkan Saaka qarxay ayaa Ah mid aad U xoogan oo Labada dhanba ay isku Adeegsanayan Hubka Noociisa Kala Duwan.

 

Ilaa hada Majirto wax waji Nabadeed ah oo Ka muuqda Deegaankaasi aan Ka ahayn xabad Sii Holcasa iyo Mayd Sii badanaya.

 

Dagaalkii Shalay ayaa la sheegay in Labada Dhanba Dhimashadu tahay in ka badan 40 Qof Halka Dhaawacu ka badan yahay 80 Qof.

Khaatumonews.com