Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa si rasmi ah u furay biriisja ugu dheer adduunka ee kormarta bad, arrintan ayaa qabsoontay ka dib sagaal sano oo dhisme lagu waday marinkaas.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

 

Marinkan ayuu dhererkiisu yahay 55km wuxuuna isku xirayaa Hong Kong, Macau iyo dhulwaynaha Shiinaha, biriishkan waxaa ku baxay 20 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, marar badan ayuuna dib u dhac ku yimid.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Samaynta biriishkan waxaa soo wajahay walaacyo dhanka badqabka ah, ugu yaraan 18 qof oo shaqaalihii dhisayay ka mid ah ayaa dhintay, sida ay masuuliyiintu sheegeen.

By Xuseen