XOG Culus::Shirkadda Hass Petroleum Oo Dagaalka Koonfurta Sool Ka Qaadatay Qeyb Lixaad leh.

Waxaa Deegaanada Dhumay iyo deegaano badan oo Ku Xeeran Maanta ka soconaaya Dagaal xoogan oo Abaabulkiisa Ay iska Lahayd Shirkadda Hass Petroleum.

 

Dagaalkan Oo U dhexeya Beelaha Qayaad iyo Bahrarsame Ee Dhulbahante Ayaa Sababay Maanta Khasaare baaxad leh oo Ka badan kuwii Hore.

 

Sida ay Xogta Ku Helayso Khaatumonews.com Shirkadda Hass Petroleum Waxaa ay Dagaalkan Ku Bixisay  Dhaqaale Xoogan oo Isugu jira Hub ay U iibisay Mid kamid ah beelaha iyo Dhaqaale ay Ku bixiay dagaalkaasi.

 

Xogta ayaa intaasi Ku Daraya In Shirkadda Hass Petroleum  Ay Beesha Bahrarsame U iibisay In Ka badan 20 Qori oo Nooca Loo Yaqaan Daba jeexa ah Islamarkaana ay Balan Qaaday Dhaqaalaha Ku baxaya Dagaalkaasi Inta uu Socdo.

 

Dagaalkan Qorshaysan Ee Ay  Maalgalinaso Shirkadda Hass Petroleum  Ee Saaka Lagu Soo Qaaday Magaalada Dhumay waxaa Ku Dhintay Dhulbahante Badan oo aan Ahayn Labada Qole Ee dagaalku Mudada Ka dhexeeyay.