Magaalada Garoowe ee caassimadda Puntland ayaa maanta waxaa maalintii labaad ka soconaya shirka madasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayna ka qaybgelayaan dowladaha Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Shirkaan waxaa looga hadlayaa xaaladda guud ee Soomaaliya, ammaanka, dhaqaalaha, qaybsiga deeqaha iyo khayraadka dalka, siyaasadda, doorashada 2020, fulinta heshiisyadii horay loogu galay Baydhabo iyo Belgium-ka iyo arrimo kale.
Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo xasaasi ah oo xalay madaxda dowlad goboleedyada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ku dhexmaray magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Sida ay xogtu sheegayso kulamadii xalay waxaa layskula soo qaaday laguna gorfeeyey shaqeyntii la hakiyey, kulamadii Nairobi, Aqalka Sare iyo dheesha ka timi dhinaca Xukuumadda Faderaalka ee Soomaaliya.