Deg Deg Daawo Video::War Culus Oo Ka Soo Yeedhay Guddigii Nabada Ee Qayaad iyo Bahrarsame,

Waxaa Magaalada Laascaanood Ee caasimada Gobolka Sool maanta warbaahinta kula hadlay Xubno kamid ah Guddigii nabada Ee Beelaha Qayaad iyo bahrarsame,

Halkan Ka Daawo Video

Gudiga Dhexdhexaadinta Beelaha Shaqaaqada loo taagwaayey ku dhex martey Koonfurta gobolka Sool oo la hadley Warbaahinta galabta ayaa si cadho leh ula hadley Xukuumada Somaliland edaymona u jeediyey in aaney daacad ka ahayn so afrajida Shaqaaqadan , Waxaana ay ku eedeeeyn in ay iyadu masuul ka tahey dagaalkii maanta ka dhacey Deegaanka Dhumey kaas oo uu ka dhacey dagaal socdey in labadan 12 Saacadood .

 

Waxaana ay sheegeen in ciidamadii Somaliland ee lagu ogaa in ay kala ilaaliyaan ciiidmada labada beelood masuliyadeedana qaadey ayaa isaga kala dhex baxey galabnimadii shaley , Subaxnimadii hore ee saakana dagaalkii halkaasi ka bilowdey ay ku nafwaayeen dad badan , dhaawacyo badan sidoo kale uu ka dhashey , isla markaana la gubey magaalada Dhumey .

 

Gudigan ayaa Waxaey baaq u direen Dawlada Federaalka ee Somalia oo uu hogaaminayo madaxwayne Farmnaajo iyo Ra’iiisul Wasaare Xasan Cali Khayre ., Waxaana sidoo kale ay ugu baaqeen Maamulada kale ee Somalia sida Puntland in ay hawshaa daminteeda ka qayb qaataan .

 

Ugu danbayntii , Gudigan ayaa si cadho leh u sheegay in wax badan khaldan yihiin .

 

Dhaawacyo badan oo saacadihi ugu danbeeyey la soo gaadhsiiyey Cusbitaalada Laascaanood ayaa Waxaa la xaqiijiyey dhimashada dad ka badan 20 qof dhaawacyo intaa ka badanna la keenay Cusbitaaladka guud ee magalada iyo Cusbitaalka Gargaar .

Ugu danbayntii , Waay ugu baaqeen in ay Dawlada Somalia ka aamusin oo si deg deg ah u soo Jawaab celiso.,