Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa ka furmay shirka madasha dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya oo siweyn loogu gorfeeyey xaaladda Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa shaaca ka qaaday in marka la eego xaaladda uu xilligaan dalka Soomaaliya ku sugan yahay aysan macquul ahayn qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in xaaladdu ay qalafsan tahay isla markaana madaxda dowladda Soomaaliya ku mashquulsan yihiin burburinta iyo waxyeelaynta dowlad goboleedyada halkii ay shaqadii loo igmaday qaban lahaayeen.
Axmed Madoobe wuxuu sheegay in doorasho aysan nooceeda raali ka ahayn shacabka iyo madaxda dowlad goboleedyadu aysan ka dhici doonin Soonmaaliya sanadka 2020.