DAAWO;-Cabdiwali Gaas Oo Qudubad Xanafleh Ka Jeediyay Shirka Maamulada Ee Garoowe Ka Furmay

Maanta waxaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland ka furmay shirka madasha Iskaashiga dowlad goboleedyada Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay madaxweynayaashada Puntland, Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur galbeed.

Halkan Ka Daawo Video

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxmed Cali Gaas ayaa shirka furay, isagoo sheegay in ajandaha shirkan looga hadli doono ay kamid yihiin amniga dalka, doorashada Soomaaliya 2020, qeysiga kheyraadka badda iyo qeybsiga deeqada dibada.

 

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa ka hadlay xaalada Galmudug iyo doorka Madaxweyne Xaaf ka qaatay nabada Puntland iyo Galmudug.