Garoowe{Khaatumonews.com)Wararkii ugu dambeeyey ee shabakadda Khaatumonews,com ay ka helayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in la dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Puntland.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

 

Goob joogayaal ayaa noo xaqiiiyey in dhaqdhaqaaqaan ciidan intiisa badan laga dareemayaa deegaanka Tukaraq oo ay isku horfadhiyaan Ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland.

 

Ciidamada Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa fariisimo horleh iyo furimaha dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa in labada dhinac uu dhexmaro markale dagaal baahsan oo khasaarihiisa wata.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Jabhaddda Taliye Caare oo gacan ka helaya Ciidamo ka tirsan Puntland ay doonayaan iney deegaanka Tukaraq ka riixaan Ciidamada Somaliland ee ka amar qaata madaxweyne Muuse Biixi.