Magaalada Cadaado waxaa maanta ka dhacday Doorasho uu guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo Garabka Dhuusamareeb ay sheegeen inay xilka ka qaadeen, waxaana Xildhibaanada garabka Cadaado ay Madaxweynaha cusub ee Galmudug u doorteen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Maxamuud(Axmed Baasto).

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Doorashadda Maanta ka dhacday Cadaado ayaa waxaa ku tartamaayay labadda Musharax ee kala ah.

Axmed Maxamuud Xasan Baasto ayaa helay 52
Cabdixakiin Cali Guure ayaa helay 8 Cod.

Garabka Xildhibaanada ku sugan Magaalada Cadaado ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday Abaabul Siyaasadeed oo ay kaga soo horjeeddaan Madaxweynaha Galmudug.

Axmed Baasto ayaa horay u soo noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, waana si weyn looga yaqaaano gobolka Mudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa labo u kala qeybsan ,iyadoo ay xusid mudan in garabka ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ay horay u doorteen Gudoomiye Baarlamaan.