War Deg Deg Ah:Dawlada Somalia Halis ugu Jirta inay Ka Qeyb Gasho Shir Laga Maagay oo Sacuudigu Iclaamiyay

Soomaaliya iyo dalal kale oo aan xaquuqal insaanka dhawrin ayaa Sucuudigu ku casuumay shir dhaqaalaha iyo maalgashiga loogu talo galay oo todobaadka soo socda lagu qaban doono magaalada Riyaad.

 

Shirkan dhammaan madaxda adduunka iyo shirkada caalamka ee lagu casuumay intoodii ugu cuslayd waa ka cudur daarteen dilkii Jamaal Khashaqji ka dib, waxayna sheegeen in aanay ku qanacsanayn sheekada Sucuudiga ee laba todobaad ka dib qirtay dilka Jamaal.

 

Isweydiintu waxay tahay Soomaaliya oo golaha xaquuqal insaanka ku biirtay dhawaan maadaxdoodu ma ka qayb galayaan shirka Sucuudiga ka dhacaya todobaadka soo socda.