Amaanka Magaalada Garoowe ayaa si aad loo adkeeyay iyadoo la filayo in Saacadaha soo socda ay gaaraan qaar ka mid Madaxda Maamul Gobaleedyada.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Qaban qaabada Shirka Garowe ka dhacaya ayaa si weyn looga dareemayaa guud ahaan Magaalada, waxaana halka ay xaflada ka dhaceyso oo ah Hoolka Shirarka ee wasaaradda Maaliyadda Puntland loo qurxiyay hab heer sare ah.

Inkastoo Qodobo dhowr ah ay Madaxda shirkaasi kaga hadli doonaan ayaa hadana si guud waxaa la sheegay in shirkan looga tashanayo aayaha dalka iyo xaalada uu dalku marayo.

Shirkan oo hore loo qorsheeyay inuu dhaco 10-ka Bisha aan ku guda jirno ayaa u baaqday sababo farsamo dartood, waxaase la filayaa in Maanta iyo Beri ay Madaxda ka qeyb galeysa shirka tagaan Garowe.