War Deg Deg Daawo Video:Cabdi Iley Oo Maanta Maxkamada Qudbad Kaga Oohisay Dadka Ka jeediyay,

Madaxweynihii Hore ismaamulka Somalia cabdi iley ayaa Maanta oo jimce ah mar kale La hor keenay maxkamada Wadanka itoobiya taaso Maanta uu ka jeediyay Ex madaxweyne Iley Qudbad Dacwadeed  kaga oohisay Ka soo Qeyb galayaasha Oo u badan Qoyska cabdi Iley.

Halkan Ka Daaow Video

Booliiska dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar inuu isku dayey inuu xabsiga ka baxsado.

Cabdi Maxamuud ayaa la xiray kadib rabashadihii dalka Ethiopia ka dhacay bishii August.

Booliska ayaa maanta maxkamadda federaalka Ethiopia, oo markii shanaad lasoo taagey Cabdi Maxamuud, u sheegay inuu isku dayey inuu ka baxsado daaqadda xabsiga.

“Sababo la xiriira walaac laga qabo ammaankiisa iyo caafimaadkiisa, waxaa lagu hayey xafiis gooni ah, si kastaba, waxa uu isku dayey inuu ka baxsado xafiiska, isaga oo jebiyey muraayadda dariishadda, isaga oo sidoo kalena ceejiyey mid ka mid ah ilaalada” ayey boolisku ay yiraahdeen.

Si kastaba, Cabdi Maxamuud ayaa falkaas ka hor beeniyey maxkamadda, isaga oo sheegay in warka kasoo baxay booliska uu yahay mid aan jirin, oo qorshaha laga leeyahay uu yahay in lagu baneysto in jirdil loo geysto islamarkaana sumcaddiisa la waxyeeleeyo.

“Arrintan waa been, aniga shaqsi ahaan waxaa la igu hayaa cadaadis aad u weyn, waxaana la igu hayaa xabsi aan munaasab ahayn, laba mar ayaa nafteeda halis gashay oo nin maskaxda ka jiran oo lagu hayo qol igu dhegan uu iisoo jebiyey albaabka” ayuu yiri Cabdi Maxamuud.

Cabdi Maxamuud ayaa sidoo kale maxkamadda ka horsheegay inuu caafimaad ahaan liito.

Cabdi Maxamuud ayaa dib maxkamadda loogu soo celin doonaa 29-ka bishan, kadib markii boolisku codsadeen 10 maalmood oo ay ku sameeyaan baaritaan dheeri ah, maxkamaduna ay ka ogolaatay.