600 Sir La Helay::Sumcada Bin Salman oo dhulka gashay | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Sir La Helay::Sumcada Bin Salman oo dhulka gashay

Dowladaha Maraykanka iyo Britain ayaa qaadacay shirka ballaaran ee Maalgashiga ee lagu wado in Sacuudiga lagu qabto

Xoghayaha Maaliyada Mareykanka Steven Mnuchin, ayaa shaaciyay in uusan ka qaybgali doonin shirkaas, iyadoo arrintan ay la xiriirto dilka looga shakisan yahay in loo gaystay saxafiga Jamal Khashoggi.

Mr. Mnuchin ayaa sheegay in go’aanka ah in uusan shirkaasi ka qayb galin uu qaatay ka dib kulan uu la qaatay madaxwayne Trump iyo xoghaya arrimaha dibadda Mike Pompeo.

Shirwaynahan maalgashiga ayaa lagu wadaa in toddobaadka soo socda uu ka dhaco magaalada Riyadh ee xarunta boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Shirkani maalgashiga lagu wadaa inuu qabsoomo 23 ilaa 25 October ayaab waxaa lagu qaban doonaa caasimada Sacuudiga ee Riyadh.

Waxaa shirkan martigalinaya dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salman si uu u horumariyo ajandihiisa isbadalada iyo Qorshihiisa casriyaynta dhaqaalaha iyo bulshada

Go’aanka qaadacaada labada dowladood ayaa la sheegay inuu dhabarjab wayn ku yahay dhaxal-sugaha Sacuudiga oo sumcadii uu caalamka ku lahaa ay si weyn hoos ugu dhacday dilka kashoqgi awgeed.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Somaliland oo lagu fashilay laascaanood
- Jan 16, 2021
kulan ay iskugu yimaadeen haweenka magaalada laascaanood ayaa looga hadlay tacadiyada ka jira laascaanood https://www.youtube.com/watch?v=r0dY84WK0_k https://studio.youtube.com/video/r0dY84WK0_k/edit https://studio.youtube.com/video/r0dY84WK0_k/edit
Somaliland Oo Dhigtay Qorshaha Dilalkii Buuhoodle Ka Dhacay
- Jan 16, 2021
Waxaa Magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka cayn wali ka taagan Xiisaad Colaadeed oo ...
Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada BUUHOODLE,
- Jan 14, 2021
Waxaa Dagan xaalada Magaalada Buuhoodle Ee xarunta Gobolka cayn oo saacadii ugu danbeyay ...
Garaad Cabdirashiid Oo Kula Shiray Duleedka Garoowe Wasiirada Xildhibaanada iyo Taliyaasha Ciidanka Barkad ee Puntland Ku jira
- Jan 14, 2021
Garaad Cabdirashiid waraaba Dheere garaadka Beesha Guuleed Faraad {Barkad}ayaa kulan Kula qaatay Duleedka ...
Labo Nin oo Jeelka Laascaanood Lagu Kufsaday
- Jan 13, 2021
Waxaa Ka taagan magaalada Laascaanood Xarunta Gobolka sool dhacdo la yaab leh oo naxdin ...