Labada maalmood ee soo socda (sabti & Axad) waxaa la filayaa inay magaalada Asmara ee dalka Eritrea tagaan wafti kasocda Dowladda Itoobiya si loosoo gaba-gabeeyo wada-hadallo usocday dowladda Itoobiya iyo Ururka ONLF.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Hubaal ma’aha in fadhigaas lagusoo afmeeri-doono wada-hadaladii Ururka iyo Xukuumadda Addis ababa u socday laakiin waxay u badan tahay in heshiis hore oo qabyo-qoraal ahaa lagu sexeexidoono Magaalada Asmara kadibna waxaa laga yaabaa inay Madaxda sare ee Ururku tagaan gobalka.
Ilaa hadda majiro wax muujinaya in nooca wada-hadalada ONLF iyo xukuumadda Addis ababa ay ka duwanaan-doonaan kuwii Jabhadihii kale ee hubaysanaa (Oromada, Axmaarada, Tigreega IKK).
Ururka ONLF wuxuu muddo 34 sano ah ku jiray halgan lagu raadinayo madaxbannaanida dhulka Soomaaliyeed ee ay Itoobiya gumaysato, waxaana halgankaas lagu waayey wax-walba oo qaali ah.