Deg Deg::Sarkaal Kamid ah Midowga Europe OoKa Hadlay Xaalada Tukaraq

Wakiilka Midowga Europe u fadhiya Puntland State Of Somalia Dr. Mohamed Awad Abbas, Isagoo tv warbaahinta Europe xalay laga wareystay ayaa ka hadlayay xiisadda colaadeed ee aagga Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay Meleshiyaadka SNM ay weerer dagaal oo gardaro ah ku soo qadeen meelo ka tirsan degaanka Tukaraq ee Maamulka Puntland State Of Somalia,

halkaas oo ay ku layeen dad rayida oo isugu jira Caruur iyo Dumar. Oo ay malashiyaadka SNM ee Maamulka la magac baxay Somaliland kuna kufsadeen gabdho aan qaan gaar ahayn iyagoo qafaashay Dumar badan, guryihii dadkana ay dabqabadsiyeen. Dhanka kale, war qoraal ah oo kasoo baxay, xafiiska wakiilka midowga yurub u fadhiya Puntland State Of Somalia, ayaa sheegay in ciidammada Somaliland ay sinaxariis daro ah dab u qabadsiyeen

dhakhtarkii iyo ceelkii biyaha ee degaamadaas , islamarkaaasna Dr. Abbas, uu sheegay inuu u arko mas’uuliyadda weerarkaas waxashnimada ah, inuu dusha ugu ridayo Maamulka Somaliland. Waa markii ugu horraysay ee uu shir jaraa’id qabto, tan iyo markii loo Magcaabay xafiiska midowga Europe’s union u fadhiya Puntland State Of Somalia 27 August , 2018. Dr. Mahamed Awad Abbas ayaa ka hadlay dagaalka iyo barakaca ay ku hayso Maamulka Soomaaliland dadka gaar ahaan degaanka Tukaraqm0mm uusan ahayn mid la sii eegan karo.

Xafiiska wakiilka Midowga Europe u fadhiya Puntland State Of Somalia. Ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in ay wax qabad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay ku habsadeen colaada joogtada ah ee Maamulka Somaliland ku hayso shacabka Puntland. Sidoo kale Dr.MA.Abbas, ayaa Caalamka intiisa kale ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo dadka ay Hujuumka iyo weererka joogtada ah ku hayso Maamulka Somaliland. saameeyeen ee ku nool Deegaanada ay ka taliso Maamulada Puntland.

Shirkaasi jaraa’id ka dib ayuu Dr. MA.Abbas wuxuu siiyay wareysi VTM tv Dalka Belgium-oo wareystay ayaa ugu horeyn wuxuu wakiilka wax ka weydiiyay xiisadda colaadeed ee haatan ka taagan Tukaraq sidii xal loogu heli lahaa. Waxaana uu u sheegay Caalamka in qabiil Dowlad uusan marnaba noqon karin, qabiilna aan lagu khasbi karin Somaali inteeda kale ka soo go’a, oo anaga khasab nagu soraaca. Xalku waxa uu ku jiraa, Jabhada SNM iyo ciidankeeda ay dib ugu noqdaan xuduudka OOG- LEBIDA. Markaa miis lawada fariisto dadkana sidey rabaan la weydiiyo. Xalmaaha saan rabo ii yeel haddii kale waan ku dilayaa.