Fadeexad Weyn Oo Dultaagan Jabhada SNM,
Hadal iyo dhamaantii hadii aan wasiir Sacad dalka laga qaban waxa wasaaradaasi inagaga soo bixi doona Goroyo heeryaysan oo lagu sheegi doono wasiirka arimaha dibada ee dal kale ama madaxweynba
Halkani hoosena ka daawo xildhibaan Indhoindho oo uu ka muquurtay kamarada wasiir Sacad Cali Shire oo soo dhawaynaaya dilaalka lagu sheegay wasiirka
Xildhibaan Indhoindho oo sheegay in uu ninkaasi yahay wasiirka arimaha dibada ee Ginibisaaw ayaa mar maanta wax laga waydiiyay xaga uu ka keenay warkaasi waxa laga soo xigtay in uu warkaasi kaga yimid wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire ee la degay wasaaradaasi iyo guud ahaan haybadii ay lahaydba, waxna uu Muuse Biixi sii daawanayaa wasaaradii arimaha dibada oo maalinba maalinta ka sii danbaysa sii degaysa, tanina waa beentii qarniga iyo ku ciyaarida garaadka shicibka iyo diulaynta haybada qaranka
Markii aanu u kuur galnay wasiirka arimaha dibada ee dalka Ginibisaaw waxa la yidhaa João Ribeiro Butiam Có waana ninkani sawirkiisu xaga sare uu yaalo.
Hadal iyo dhamaantii hadii aan wasiir Sacad SNM laga qaban waxa wasaaradaasi inagaga soo bixi doona Goroyo heeryaysan oo lagu sheegi doono wasiirka arimaha dibada ee dal kale ama madaxweynba
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.