Sida ay qortey jariirada New York Times, mid kamid ah kooxda lagu eedeynayo in ay dileen Suxufi Jamal Kashoggi, waxa uu xiriir dhaw la lee yahay dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga Maxamed bin Salamaan.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Ninkan ay NYT soo bandhigtey ayaa sawiro laga qaadey safarkii Dhaxalsuge MBS uu ku tegey France, Spain iyo Maraykanka bishii Abril 2018 uu dhinac taagnaa markasta, waxaana la aaminsan yahay in uu kamid yahay ilaalada Dhaxal sugaha 33 jirka ah, isla markaana ah qofka ugu awooda badan Boqortooyada Sucuudiga.

NYT ayaa sheegtey in saddex kale o okamid ah 15 qof ee Turkigu sheegay in ay aaminsan yihiin in ay fuliyeen dilka Suxufiga ay xiriir la lee yihiin dhaxal sugaha Boqortooyada Sucuudiga MBS.

NYT ayaa xaqiijisey in Mutreb Cabdulcasiis Mutrab oo ahaan jirey diblomaasi Sucuudiga u jooga magaalada Lodnon sanadkii 2007, ninkaas oo hadda la aaminsan yahay in uu kamid yahay ilaalada gaarka ah ee dhaxalsugaha, waxaana uu kamid ahaa kooxda 15 ah ee Turkigu soo bandhigey ee labada diyaaradood ku yimid ka hor dilka Suxufiga isla maalintaasna ka dhoofay Istanbul.

Baaritaan lagu sameeyey qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul maalintii salaasada ayaa wargeyka Daily Sabah ee xiriirka la leh Dowladda Turkiga sheegyaa in la helay caddeymo muujinaya dilka Suxufi Jamal Kashoggi, Turkiga ayaa horey u sheegay in ay hayaan cod iyo muuqaal muujinaya dilka weriye, sidoo kale waxay sheegeen xitaa in ay garanayaan qolka lagu diley.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa Boqortooyada Sucuudiga u direy Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Mike Pompeo, waxaana uu kala hadley sidii loo ogaan lahaa xaaladda uu ku danbeeyey suxufi Jamal Kashoggi oo ahaa Sucuudiyaan dalkiisa aan tegi karin, kaas oo ay ugu wardanbeysey isaga oo galay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 02.10.2018, si uu dukumiinti uga helo. Mike Pompeo ayaa isla maanta (arbaca) gaarey magaalada Ankara waxaana uu kulan la qaatey Madaxweynaha Turkiga iyo Waiirkiisa Arrimaha dibadda ee Turkiga.