War Deg Deg ah:Guddigii Doorashooyinka Oo lagu Dhawaaqay,

Muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa la hadal hayey xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqayo gudiga doorashooyinka xilli ay muddoo kooban naga xigto doorashada madaxtinimada iyo xulista barlamaanka.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/qaadir Sheekhuna Maye, ayaa lagu shaaciyay magacyada 15 xubnood oo ah Guddiga doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, kuwaasoo ah Xildhibaano ka tirsan Koofur Galbeed.

Guddigan ayaa soo saari doona jadwalka doorashada iyo shuruudaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed, taas oo Dhaceysa sida Qorshuhu yahay Bartamaha bisha soo socota ee November, iyadoo Musharaxiin dhowr ah ay taagan yihiin.