War Deg Deg Ah Dhagayso:Ergay Muqdisho Lagu Toogtay,
Koox hubeeysan ayaa magaalada Muqdisho waxa ay xalay ku toogteen mid kamid ahaa odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhagayso
Allaha u naxariistee Maxamed Cali Feeldheer ayeey dableey hubeeysan ku dhexdileeyn goobtiisa ganacsi degmada Wadajir ee Muqdisho.
Labo dhalinyaro ah oo ku hubeeysnaa bastoolado ayaa dishay allaha u naxariistee Nabadoonkaan oo kamid ah odoyaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya
Askar katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu dilkaasi ka dhacay kuwaasi oo halkaasi ka sameeyay holwgalo ay ku baadigoobayaan kooxihii dilkaasi ka dambeeysay hayeeshee lama sheegin in la soo qabtay kooxihii dilkaasi ka dambeeyay.
Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilkaasi iyaga oo la hadlayay warbaahinta afkooda ku hadasha ayeey sheegteen in iyagu ay dileen nabadoonkaasi.
Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka Soomaaliya ayaa waxa ka socdo dilalka loo geeysanayo odoyaashii soo xulay xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya