Warar hoose oo ay heleyso Khaatumo News  ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke uu doonayo inuu la heshiiyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

 

Khilaafka labada mas’uul ee heerka ugu sareeyay gaaray ayaa ka bilowday kadib markii Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid ku dhiiraday inuu qalqal galiyo dowladaha hadda jirta iyadoo loo adeegsanaayo dhaqaale xoogan badan oo lagu bixinaayay Xisbiyada Mucaradka.

 

Dhowr jeer Waxgaradka Puntland ayaa isku dayay inay xaliyaan Khilaafka Labada Masuul balse waxaa ka biyo diidanayaa Cumar Cabdi Rashiid Sharma’arke.

 

Ujeedada uu Ina Cabdi Rashiid u doonayo inuu la heshiiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ilo wareedyo ku dhow waxay ku sheegeen inuu damac badan kaga jiro qabashada xilka Madaxweynaha Puntland, wuxuuna doonayaa in Dowlada Federaalka ay ku taageerto qorshahiisa Musharaxnimo ee Puntland.

By Xuseen