Deg Deg::C/wali Gaas iyo Isimada Dhulbahante Oo Kulan Yeeshay,

Saacadihii ugu Danbeeyay waxaa Ka soconaayay madaxtooyada Puntand Ee Garoowe Shr xaasaasi ah oo U dhexeeyay Qaar kamid ah isimada Dhulbahante iyo madaxweynaha Puntland C/wali gaas iyo Ku xigeenkiisa Cabdixakiim camey.

 

Kulanka ayaa Daarana in Isimada Dhulbahante ay ka midaysan yihiin in aysan Wax barlamaan ah Soo Xulayn ilaa Deegaanka Maqan La soo Dhacsho,

 

Isimada ayaa Si cad ugu Sheegay madaxweynaha Puntland In aysan  qeyb ka Noqon Doonin Barlamaanka iyo maamulka Cusub Ee La dhisaayo Hadii Doorasho Dhacdo iyadaan Gobolada Sool iyo Sanaag laga Saarin Maleeshiyada SNM,

 

Kulanka oo Qaatay Mudo dheer waxaa Markii Danbe Soo Gunaaanaday C/wali gaas Oo sheegay in Uu ka dhabenaayo balan qaadkiisi ahaa In Laga Saaro laascaanood Maleeshyaadka Jeegaanta,

 

Dhanka kale Qorshahan C.wali  gaas iyo Isimada Dhulbahante waxaa Muraara Dilaac ka ah Xubno siyaasiyin U badan oo Ah Musharaxiin iyo kuwo gacan saar la leh maamulka Jeegaanta,

Khaatumonews.com