600 War Deg Deg Ah::Xaguu Marayaa Shirkii Isimada Dhulbahante Garowe Uga Socday, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah::Xaguu Marayaa Shirkii Isimada Dhulbahante Garowe Uga Socday,

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo xasaasi ah oo magaalada Garoowe saacadihii ugu dambeeyey uga socdey isimada ugu waaweyn gobolka Sool oo ka arrinsanayey doorashada Puntland.

Kulamadaan oo ahaa kuwa ay warbaahintu dibad joog ka ahaayeen ayaa waxaa isimada beelaha Dhulbahante kaga arrinsanayeen doorashada Puntland ee 2019 gaar ahaan soo xulista xubnaha barlamaanka Puntland u matali doona gobolka Sool.

Isimada ayaa xogtu sheegaysaa inay intooda badani isku raaceen inaysan soo xulin wax barlamaan ah inta ay Puntland ka xoraynayso gobolka Sool isla markaana looga baahan yahay Puntland inay gacanta ku dhigto magaalada Laascaanood haddii kale aysan wax xildhibaano ah ka soo geli doonin gobolka Sool.

Kulamada oo la rabay in shalay go’aan midaysan laga soo saaro ayaa baaqday kadib markii qodobada qaar isimadu ay isku fahmi waayeen, waxaana saaka markale laysugu soo laabtay shirkaasi oo ka socda guriga Garaad Saleebaan.

Weriye katirsan Khaatumonews.com oo goor dhoweyd gaarey guriga Garaadka ayaa sheegaya in kulamada albaabadu u xiran yihiin laguna wargeliyey in warbaahinta xilliga rasmiga ee loo baahdo ay ku soo wargelin doonaan inay yimaadaan.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Muuse Biixi iyo Faroole Ka Wadahadlay Nabad Galyada Diiwaangalinta Sool iyo Sanaag
- Jan 12, 2021
Maamul beeleedka SNM ayaa Kawada Diiwaangalinta Doorashada Golaha Wakiilada iyo Deegaanka Maamulkaas Qeybo ...
War Culus Oo Ka Soo Kordhay Caaqilkii Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 12, 2021
Iyadoo Magaalada BuuhoodleXarunta Gobolka Cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Magaalada, ayaa arrinkaasi ...
Deg Deg:Caaqil Lagu Dilay Gudaha BUUHOODLE,
- Jan 11, 2021
Waxaa Goordhaweyd Magaalada Buuhoodle Xarunta Gobolka cayn lagu dilay mid kamid ah Cuqaasha Buuhoodle, Caaqilka ...
Deg Deg::Alshabaab Oo soo Saartay Amar ka Dhan ah Madaxda Puntland
- Jan 11, 2021
Af-hayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage, oo loo yaqaan Cali Dheere, ayaa cod laga ...
Deg Deg Daawo:Ciidan Beeleed kaga Dhawaaqay Dagaal ka dhan AH Farmaajo Muqdisho,
- Jan 10, 2021
Maleeshiyaad beeleed aad u hubaysan oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa muqdisho kaga ...