War Deg Deg Ah:Madaxweynaha Galmudug Oo Sir Culus Banaanka Keenay,

War Saxaafadeed kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa lagu sheegay in faro galin ku hayaan maamulkooda Xildhibaano, Senetaro iyo Wasiiro katirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Qoraalka Xaaf kasoo baxay ayaa lagu sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ka shaqeeneyso bur burinta heshiisyadii ay wada galeen maamulka Galmudug iyo kooxda Ahlu Sunna.

Galmudug garabka Madaxweyne Xaaf ayaa sheegtay in Senetaro ay ku jiraan Cabdi Dhuxulow Dhagdheer , Yuusuf Geelle Ugaas iyo Wasiir Qoor qoor ay caqabad ku yihiin maamulka Galmudug.