War Deg Deg Ah:Raysal Wasaare Khayre Oo Ku Jawahan Gobol Dalka Kamid Ah.

Ra’isilwasaaraha xukuumada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow u amba baxaya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Sh/Dhexe.

Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo wafdiga Ra’isilwasaare Kheyre ayaa si weeyn looga dareemayaa magaalada Jowhar.

Maamulka Hir-Shabelle ayaa Jowhar ka wada qaban qaabo balaaran oo Ra’isilwasaare Kheyre lagu soo dhoweeynayo.

Ra’isilwasaaraha ayaa lagu wadaa in uu la kulmo bulshada iyo maamulka Hir-shabelle islamarkaasina uu kala hadlo xaaladaha deegaanadooda.

Dhowaan ayeey aheyd markii la xaliyay mooshin xildhibaano katirsan baarlamaanka Hir-Shabelle ay ka soo gudbiyeen Madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare inkastoo markii dambe ay ka laabteen.

Waxaa soo wanaagsanaanayo xiriirka u dhaxeeya dowlada Soomaaliya iyo maamulka Hir-Shabelle xili uu jiro khilaaf u dhaxeeyo madaxda maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe.