Wararka inaga soo gaaraya Deegaanka Deynuunaay Ee Duleedka Magaalada Baydhabo ku yaalla waxaa ka soconaya Dagaal Xoogan oo udhaxeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Dawlada oo ay wehlinayaan Ciidamada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Dagaalka ayaa ka dambeeyey markii Saaka Aroortii weerar culus ku qaadeen Al Shabaab Deegaankaasi Fadhiisimo Ciidanku degganaayeen.
Al Shabaab ayaa waxay Idaacadooda ka sheegteen in dagaalka sidii loo qorsheeyey udhacay welina Rasaas culus la maqlayo.
Laamaha Amniga Ee Deegaankaasi kusugan waxa la haleeli la’yahay Taleefoonadooda isgaarsiinta ayaana aad u adag in la helo.
Reer Miyigii degganaa Deynuunaay waxaa ay dareemayaan Cabsi maadaama dagaalku yahay mid Culus.
Weli Khasaaraha lama sheegi karo inta uu la eg yahay,iyadoo weli Xabadu tahay mid labada dhianc is weydaarsanayaan.