Beesha Dhulbahante Oo Guumaysigii Beelaysna Ku Maraayo 12 sano!!2007-last 2018

Maalintii ay taariikhdu ahayd 15/10/2007 oo maantana ku beegan waxay maleeshiyada hubaysan ee maamul beeleedka SNM  ay xoog ku qabsadeen magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyagoo markaasi adeegsanayey kooxo damiir laawayaal ah oo ka soo jeeday deegaanada SSC, balse muraadkoodu ahaa aargoosi siyaasadeed, iyagoon ka fiirsanin cidda ay gacanta u gelinayaan gobolka Sool.

 

Ragii dharaartaasi hormoodka ahaa qabsashada Laascaanood intooda nooli maanta waxba kuma haystaan talaabadaasi guracnayd ee ay ku dhaqaaqeen inkastoo ay dharaartaasi ku qaateen xooga yar oo lufluf ah, oo aan dhaafsiisnayn calooshooda.

 

Hadaba waxaa is weydiin mudan in Qarnigan Ay Beesha Dhulbahante u Dulqaadatay in beel la siman   oo walibaa Tiro ahaan iyo awood ahaaan ka yar ku Haysato deegaankooda xoog.

 

Guumaysiga Beelaysan Ee laascaanood Ka jira waxaa uu Hada jirsaday 12 sano waxaana nasiib daro iyo Damir Xumo tii ugu Darneed iyadoo aynu og nahay maanta aduunka in aysan Jirin ama meelna ka jirin Beel beel kale Deegaankeeda Xooga Ku haysata in darawiishtii somali beel somali diid ah u Haysato Awood Ciidan iyo mid Dhaqaale.