War Deg Deg Ah:Wararkii Ugu Danbeeyay Xaalada Tukaraq

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno gobolka Sool gaar ahaan deegaanka Tukaraq ayaa sheegaya in Puntland iyo Snm  ay galeen diyaar garawgii ugu dambeeyey ee ku aadan dagaal ka dhaca gobolka Sool gaar ahaan goobaha laysku horfadhiyo.

 

Xogta ay helayso haatumonews  ayaa sheegaysa in labada dhinac ay kujiraan diyaar garawgii ugu dambeeyey isla markaana xaaladdu ay hadda ku dhowdahay in uu duleedka ka qarxo dagaalkii ugu cuslaa ee abid dhexmara labada maamul.

 

Gudoomiyaha golaha guurtida SNM Saleebaan Gaal ayaa sheegay Sabtidii shalay in doorashada baarlamaanka iyo golayaasha deegaanada ay dib ugu dhacday sababo la xariira dagaalka Tukaraq, isagoo sheegay in maamulkooda lagu soo duulay, indhahana wuxuu ka qarsaday xaqiiqada duulaanka gobalka Sool.

 

Maxamed Abees wasiir ku-xigeenka warfaafinta SNM iyo xildhibaano katirsan baarlamaanka maamulkaas ayaa dhawaan ku hanjabay in ay dagaal qaadayaan, uuna ka dhamaaday dulqaadkii, ka dib weeraro is xigxigay oo ka dhacay Tukaraq iyo deegaanada ku dhaw dhaw.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Tima-Cade oo kasoo jeeda deegaan ahaan Laascaanood, ayaa isna labo bilood ka hor dhaar ku maray dagaal dhacaya, waxaana sidaas oo kale wehliyey gudoomiyaha Sool ugu magacaaban Puntland oo isna sheegay dagaal in uu dhacayo.

 

Madaxda ugu saraysa Puntland ayaa horay u caddeeyey inay gacanta Puntland ku soo celindoonaan gobalka Sool, gaar ahaana magaalada xudunta u ah isku dhacyada Puntland iyo Somaliland ee Laascaanood, taas oo ay su’aalo badan dul-hoganayaan.