600 War Deg Deg ah::Gaas Oo Magacaaay Taliye Cusub, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg ah::Gaas Oo Magacaaay Taliye Cusub,

Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa taliye ku xigeenka ciidanka xasilinta caasimadda u magacaabay,Gaashaanle sare Cabdixamiid Maxamed Axmed(Dirir).

Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Gaas oo ku taariikhaysan 14 October ee ku beegan Axadda maanta ah ayaa lagu magacaabay Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.

Dhinaca kale shir ay maanta Garoowe ku yeesheen laamaha amniga gobolka Nugaal ayaa lagu go’aamiyay in la qaado hawlgal ballaaran oo ka dhan ah dadka dhaca boosaska dhulka iyo seerayaasha.

Hawlgalka ayaa sida shirka laga sheegay la qorsheeyay in uu bilowdo maalmaha soo socda,waxaana digniin culus loo diray dhammaan qolyaha hubaysan ee caadaystay boobka iyo dhaca dhulka ku xeeran magaalada Garoowe.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Madaxweyne Farmaajo Ka Hadlay Heshiiskii Mucaaridka
- Feb 26, 2021
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo dhaweeyey Heshiiska dhexmaray Dowladda iyo ...
Deg Deg Daawo Heshiiska Dawlada Federaalka Iyo mucaaradka
- Feb 26, 2021
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo shir wadatashi la qaatay ...
Deg Deg Daawo; Mudahaaradkii Mucaaradka La Joojiyey
- Feb 25, 2021
Dawlada Federaaka Soomaliya Ayaa Joojisay Mudaharaadkii mucaaradka dawlada Federaalka Soomaaliya Waxaa lagu ...
Deg Deg Daawo; Shirka Hada Ka Socda R/W Rooble Mucaaradka
- Feb 25, 2021
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hoteelka Decale kulan kula leh ...
Deg Deg:Shir Hada U Furmay Madaxda Mucaaridka iyo Dawlada Somalia
- Feb 25, 2021
Waxaa haatan Shir uu uga Furmay Magaalada Muqdisho Midowga musharixiinta iyo DFS oo uu ...