Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in magaalada ay ka dhacayaan banaan baxyadii ugu cuslaa ee abid ka dhaca magaalada caasimadda ah.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Mudaharaadkaan oo ah mid xoogan ayaa waxaa ka qaybgelaya, haween, dhalinyaro, arday iyo qaybaha kala duwan ee bulshada waxaana loogu baroor diiqayaa dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku dhintay masiibadii 14-kii October ee 2017 ka dhacday Isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.
Weriye ku sugan magaalada Garoowe ayaa u xaqiijiyey Khaatumonews in dibad baxyadaani shacabku ay sidoo kale kula hadli doonaan madaxda dowladda Soomaaliya si wax looga qabto ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Ciidanka ammaanka ayaa lagu arkayaa waddooyinka waaweyn ee magaalada si ay u xaqiijiyaan ammaanka sidoo kalena ay u sugaan ammaanka dadka dhigaya banaan baxa nabadeed ee baroor diiqd aah.