Xubno ka tirsan Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa in lagu weeraray qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Xubnahan oo marayay inta u dhexeysa degmada Galhareeri iyo deegaanka Cagacadde ee gobolkaasi ayaa la sheegay in lala beegsaday duqeyn xoogan.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in kolonyadaasi lala bartilmaameedsaday dhowr Gantaal.

Waxaana la sheegay in halkaasi ay ku basbeeleen illaa 2 Gaari oo uu mid ka mid ahaa Cabdi Bile oo ay ateen xubnahaasi.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntan, mana jiro weli wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

Sidoo kale lama oga Illaa iyo hadda heybta diyaaradaha dagaal ee fuliyay duqeyntaasi oo aheyd mid culus.

Inta badan diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa duqeymo ka dhan ah Dagaalyahannada Al Shabaab ka fuliya gudaha Soomaaliya.