Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhagax dhigay Tiyaatarka Qaranka, isagoo hore u balanqaaday in dib u habeyn lagu sameyn doono.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan Ka Daawo Video
Agaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu saaka dhagax dhigay xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo la qorsheynayo in muddo ka yar sanad lagu soo gabo gabeeyo dhismahiisa.
“Madaxweynuhu waxa uu balan qaaday in muddo sanad ka yar lagu soo gabo gabeyn doono dhismaha Tiyaatartaka Qaranka, waxaan rajeynaynaa in fanaaniinta ay halkaasi ku soo gudbiyaan hal abuurkooda” ayuu yiri Agaaasimaha Warfaafinta ee Madaxtooyada Qaranka.
Agaasimaha ayaa xusay in Tiyaatarka lagu dhisi doono barnaamijka uu hirgeliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee isxilqaan, kaasi oo ay ka qeyb qaadan doonaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana lagu dhisi doono xarumaha danta guud