War Deg Dg Ah:Doorashadii Puntland Oo Fashilantay iyo Xaalad Dagaal Oo La Saxeexay Wararkii ugu Danbeeyay Tukaraq Maanta.

Madaxweynaha Puntland iyo sarakiisha Hogaaminasa dagaalka Ayaa Qalinka Ku Duugay In wax Doorasho ah Aysan Dhacay Islamarkaana Waxaa Gaas uu amray in Ciidanku ku amran yahay In Ay Soo Xidhan Xuduudka Labida Gaatamo.

 

Wararkii ugu danbeeyay Ee ka soo baxay xaalada dagaal Ee La galiyay dalka ayaa Sheegaya in Ciidamada Ay haystan amar Buuxa oo dagaal galin ah.

 

Sidoo kale Go aankan waxaa Uu Dhabar jab ku noqday Xubno Musharixiin ah oo u Labisna Inay Ku Tamash leeyan Madaxtooyada Garoowe.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee warbaahintaKhaatumonews.com ay hadda ka helayso deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi Maanta Oo Jimce ah laga dareemayo dhaqdhaqaaq ciidan iyo diyaar garaw dagaal oo ay samaynayaan ciidamada ku sugan halkaasi.

 

Ciidanka maamulka SNM iyo kuwa Puntland oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa furimaha dagaalka, waxaana laga cabsi qabaa dagaal markale dhex mara labada ciidan oo muddo halkaasi kuwada sugan.