Boqollaal ka tirsan ciidamada Militariga dalka Itoobiya ayaa waxa ay socod ku tageen xafiiska Ra’iisalwasaaraha dalkaasi Itoobiya Abey Ahmed, waxaan la hakiyay khadka internterka si ku meel gaadh ah.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Ciidamada ayaa waxa la sheegay in ay ka cabanayaan mushahar yaraan, waxaana ay cabsi xooggan ku abuureen shacabka magaalada Addis Ababa kuwaasi oo aad uga walaacay ciidamada dirayska ku labbisan qaarkoodna hubaysanyihiin ee magaalada dhex lugaynaya.
Ciidamada ayaa la sheegay in ay yihiin qaar si gaar ah u tabo-baran waxaana loo oggolaaday in ay iska hor buuxiyaan xafiiska Raysalwasaaraha.
Abey Ahmed ayaa waxa lasheegay in uu dibadda ugu soo baxay si uu ula kulmo waxaana uu ku amray in ay Kacaafadhiistaan, islamarkaana waxa uu u meel mariyay codsigoodii.