600 Deg Deg:;Dawlada Somalia Oo Codsi U Dirtay Puntland, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

Deg Deg:;Dawlada Somalia Oo Codsi U Dirtay Puntland,

Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo ku sugan Caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa Madaxda Puntland ugu baaqay inay gacan ka qeystaan xalinta khilaafka ka dhexjira Madaxda Galmudug.

Senator Cabdi Qeyb-diid ayaa sheegay inay muhiim tahay Madaxda Puntland inay gacan iyo talo u fidiyaan Madaxda khilaafka ka dhexjira ee Galmudug, Maadaama ay yihiin laba Maamul oo deris ah, hadii dhib ka dhaco Galmudug uu saameyn karo Puntland.

“Intaas kadib waxaa la rabaa oo Madaxda Puntland ugu baaqayaa inay u fidiyaan gacan iyo talo madaxda khilaafka ka dhex jira ee Galmudug, maxaa yeelay waxaad tihiin laba maamul oo deris ah, wixii iyaga ka xumaada idinkana way idinka xumaanayaan”. ayuu yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Khilaafka ka dhexjira Madaxda Galmudug oo muddo soo jiitamayay ayaa weli aanan laga gaarin heshiis sax ah, Dowladda Federaalka ayaa ku guul dareysatay inay xaliso khilaafkan, maadaama ilaa hadda aanay qaadin talaabo deg deg ah oo xiisadan wax looga qabanayo.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
Deg Deg:Muqdisho Laga Dajiyay Dhaawac Aad U Badan oo laga Qaaday Baladxaawo
- Jan 26, 2021
Magaalada Muqdisho waxa xalay la gaarsiiyay dhaawacyadii ku soo dhaawacmay dagaalkii degmada Beled-xaawo ku ...
Kenya Oo Soo Saartay Qoraal u muuqda ku Digasho Dagaalka Somalida ku dhexmaraya Baladxaawo
- Jan 25, 2021
Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka ...
Deg Deg Daawo:Dawlada Somalia Soo Qabatay Maxabiis badan ay Ku sheegtay Ciidanka Jubaland
- Jan 25, 2021

Deg Deg Daawo:Ciidanka Jubaland Oo Gudaha Baladxaawo Isaga Duubay Muqaal.
- Jan 25, 2021
Ciidanka Jubaland ee Gudaha u galay magaalada Baladxaawo ayaa muqaal iskaga duubay Gudaha ...
Deg Deg:Dagaal Culus Oo Ka socda Balad-xaawo iyo Saraakiil lagu Dilay,
- Jan 25, 2021
Dagaal culus ayaa xalay ilaa saaka ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ...