Sida ilo-wareedyo rasmi ahi u soo dusiyeen Warfidiyeenka Khaatumo News waxa xalay weerar lagu qaaday Hoyga (Barada) uu Ceerigaabo ka degay Taliyaha Ciidanka Somaliland S/Gaas Nuux Taani oo Muddo Dhawr Cisho ah ku sugnaa halkaas si uu ugu gogol xaadho booqasho Muuse Biixi quudaraynaayo inuu ku tago Ceerigaabo lafteeda & Qadiyada Kornayl Jaamal Baaxad.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!
Sida ilahu tibaaxeen Ma jiro wax khasaare nafeeda oo ka dhashay weerarkaa lagu qaadey marka laga reebo khasaare soo gaadhay Hoyga dhismaha uu degay oo qeybo ka mid ahi burbur ku yimi.
isku soo wada duuboo waxaa kacsan xaraarada Bulshoweynta Reer Ceerigaabo oo ay isagu darsameen tabashooyin Culculus,Ciidan Milateriya oo aad u hubaysan oo buux dhaafiyey gudaha magaalada,Musuqmaasuq loola badheedhay & Cadaaladaro saf mara oo ay ka tirsanayaan jabahda uu hogaamiyo Muuse Biixi,Qadiyadaas oo dhalisay in Jabhado & kooxo mucaaradad xoogan wajahaan maaamulka Muusi Biixi oo dhinac ka raran,keliyana arin ka taqaan ku jiqsii balse ay dhici karto in Ceerigaabo waxyaabo lama filaani kaga yimaadaan.