600 War Deg Deg Ah:Madaxweyne Waare Qaadacay shir Garoowe a Furmaaya, | KHAATUMO NEWS
dahabshiil

War Deg Deg Ah:Madaxweyne Waare Qaadacay shir Garoowe a Furmaaya,

Magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa dhawaan lagu wadaa in ay shir ku yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, waxaana shirkan ka maqan maamulka Hirshabelle oo xubin ka ahaa golahan.

 

Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa kamid ahaa madaxda Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee magaalada Kismaayo ku gaaray go’aankii xiriirka loogu jaray dowlada Federaalka, hasa ahaatee Hirshabelle ayaa go’aankaasi ka laabatay.

 

Maxamed Cabdi Waare oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Jowhar ayaa sheegay in uusan sharci aheyn shir maamulkiisu ka maqan yahay in ay isugu yimaadaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

 

Waxa uu sheegay Madaxweyne Waare in Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ay ka kooban yihiin shan maamul, waxa uuna cadeeyay in afar kamid ah maamulada in aysan go’aan ama talo kaligood aysan gaari karin.

 

“Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada wuxuu ka kooban yahay shan maamul, haddii talo afar gooni u gaarto Golaha Iskaashiga ma ahan, annaga sharciyada iyo jadwalka noo yaalo iyo wax aan ku balanay waa in aan dhammaanteen wax isku raacno”ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.

 

Madaxweynhe Waare ayaa sheegay in Madaxda kale ee golaha ay ka gadi waayeen go’aankooda ay ku taageereen dowlada, waxa uuna cadeeyay Golaha Iskaashiga aysan gaari karin go’aan ay Hirshabelle ka maqan tahay.

 

Maamulka Hirshabelle ayaa ka laabtay go’aankii Xiriirka loogu jaray dowlada Federaalka ee kasoo baxay Shirkii Kismaayo, waxaana Madaxweynaha Hirshabelle heshiis hoose la galay dowlada Federaalka taas oo dhabar jabin ku noqotay Golaha Iskaashiga.

Loading...

Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)


Comments are closed.

script>
DAAWO:-Horgal Qambi Oo Ka Hadlay Ninkii Habar Jeclo Duleedka Buuhoodle Lagu Dilay,
- Jan 22, 2021

Deg Deg:Geeli Habar Jeclo laga Dhacay Oo La qabtay,
- Jan 22, 2021
Waxgaradka Buuhoodle, ayaa soo qabtay geel Laga dhacay Beesha Habar Jeclo oo dhawaan geelaas ...
Hadeer waxaa hadhay in dadka iyo masaajidada la iibsado marka la eego waxa ka socda laascaanood
- Jan 22, 2021
Laascaanood maanta waxay maraysaa halkii ugu xumaa waxaa biloday in la iibiyo dhulkii danta ...
Deg Deg:Alshabab Qabsatay Deegaano Cusub,
- Jan 21, 2021
Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in ...
Daawo:Nimco Dareen Oo Hees Yaab leh U Soo Qaaday Gobolada SSC,
- Jan 21, 2021