War cusub oo hadda naga soo gaarey magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray wasiiradda wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Somaliland Maxamed Axmed Kaahin oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa gudaha magaalada Laascaanood iyo gudoomiyaha gobolka Sool ugu magacaabay Somaliland Cabdirashiid Xuseen Gar-Gaar.

Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!

Gacan ka hadalkaan ayaa yimid kadib markii talada maamulka gobolka Sool ay isku af dhaafeen wasiir Kaahin iyo gudoomiye Gar-Gaar, waxaana saldhig u ahaa dagaalkaasi hadalo xanaf leh oo ay is waydaarsadeen labada dhinac oo midba midka kale maroorsi iyo loolan ugu jiray ka ariminta gobolka Sool.

Wasiir Kaahin ayaa ugu hanjabay Gar-Gaar in uu yahay shakhsi uu keensaday gobolka Sool taladiisana uu qaato farahana kala baxo arimaha uu haatan kawado gobolka Sool, taas oo u cuntami wayday Gar-Gaar oo ka dareen celiyey hadalka wasiir Kaahin.

Masuuliyiin goob joogayaal ka ahaa goobtaasi oo ahayd shir weyne balaadhan oo u dhaxeeyey qaybaha kala duwan ee maamulka gobolka Sool iyo xubno ka socday Somaliland ayaa waxaa la sheegay in uu ku hanjabay gudoomiye Gar-Gaar in Sool ay tahay hoygiisii balse uu marti u yahay Kaahin, hadii uusan faraha kala bixina faragelinta gobolka Sool uu dagaal dhex mari doono labadooda.

Ugu dambeyntii ayaa la sheegay in goobtaasi ay isku fara saareen kadib muran iyo dood dheer, waxaana madashadaasi ka kacay xubno kala duwan oo maslaxad kala dhex dhigay labadooda xili dambe.

Tan iyo markii xubno ka socda Somaliland ay gaadheen magaalada Laascaanood badhtamaha bishii hore ee September ayaa waxaa soo baxayey khilaafyo iyo dagaalo hoose oo u dhaxeeyey maamulka gobolka Sool iyo xubnaha Hargeysa ka tagay oo wasiiro u badnaa, iyadoona marar kala duwan faraha la isku saaray guriga gobolka Sool ee magaalada Laascaanood.

By Xuseen