Deg Deg Daawo Video:Puntland Oo Digiin Culus Udirtay Shacabkeeda.

Hay’adda ka hortaga masiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa dadka dagan deegaanada xeebaha bari ee Puntland uga digtay dufaano dabeylo xoogan wata oo maalmaha soo aadan kusoo wajahan deegaano kamid ah Puntland.

Halkan Ka Daawo Video

Agaasimaha hay’ada ka hortaga masiibooyinka Puntland ee HADMA Cabdullaahi Axmed Ceyrow oo wareysi gaar ah siiyay Khaatumonews.com  ayaa waxa uu sheegay in ay ka war hayaan macluumaadka la xiriira duufaantan kusoo wajahan xeebaha deegaanada Bari ee Puntland,isla markaana dadka ay farayaan in ay ka digtoonaadaan.

 

Waxa uu sheegay in deegaanada ay saameynayso duufantan ay kamid yihiin deegaanada ku teedsan degamada Caluula ee gobolka Gardafuu iyo deegaanada xeebaha ee cirifayada ka xiga magaalada Boosaso ee xarunta gobolka Bari. Cabdullaahi Axmed Ceyrow agaasimaha hay’ada ka hortagta Musiibooyinka Puntland ayaa sidoo kale sheegay in fariimo dadka looga digayo duufantan ay gaarsiiyeen talisyada Booliska ee deegaanada lagu tuhmayo duufaantanta dabaylaha xoogan wadata, waxaana uu tilmaamay in ay jirto feejignaan ay dadka deegaanadaasi muujinayaan.

 

Kaluumaysatada deegaanada ay saameynta ku yeelanayso duufaanta Lusan ayuu sidoo kale faray in ay hakiyaan howlahooda shaqo ee kaluumeysiga xeebaha isla markaana ganacsatada Puntland ee doonayaha u rarta wadaamada Khaliijka,Yemen iyo Jabuuti ay iyana sidaasi si lamid ku hakiyaan howlahooda shaqo.

 

Laga bilaabo maalmaha Sabtida iyo Axad ayuu ugu dambeyn agaasimaha hay’adda ka hortaga musiibooyinka Puntland ee HADMA sheegay in yihiin maalamaha la filayo in duufaanta xoogan ee dabaylada wadata ay kusoo wajahn tahay deegaanada xeebaha Bari ee Puntland.

 

Khuburada saadaaliya cimilada ayaa hore uga dhawaajiyay in maalmaha soo socda ay duufaan Roobab iyo dabeylo xoogan wadata ay ku dhufan doonto wadamada Cumaan,Yemen,Jabuuti iyo Soomaaliya