{Hargaysa Khaatumonews)Iyadoo oo Ciidamada Maamulka SNM iyo Puntland dhexmaray dagaal Qorshaysan oo gaystay Khasaare kala duwan, ayaa Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Jabhada SN sheegay in uu Bur buray wada hadalkii nabadda ee Tukarraq.
Thank you for reading this post, don't forget to subscribe!Halkan ka Daawo Video
Xildhibaan Axmed Maxamed ( Nac-nac) ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay eedeymo kaga yimid dhanka Puntland oo la xiriirta in dagaalka ay ciidankoodu ku horreeyeen.
Wuxuu sheegay in dagaalka uu yimid markii weerar gaadmo ah ay kusoo qaadeen ciidamada Puntland ee ku sugan aagga hore ee jiidaha dagaalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay meesha ka baxeen dedaalladii nabadda oo beesha caalamka ay ka dhex waddey Labada dhinac ee Puntland iyo SNM, Wuxuuna sheegay in Ciidanka Maamulka SNM Hadii ay Ruqaansadaan ay Garoowe dul tegi doonaan.