Warning: Use of undefined constant newstheme_ptitle - assumed 'newstheme_ptitle' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 21
War Deg Deg Ah::Shir Xaasaasi Ah Oo Ka Furmay Garoowe
Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Garoowe ee caasimada Puntland uu ka furmo Shir dib u eegis loogu sameynayo dastuurka Soomaaliya.
Shirkan ayaa la xiriira sidii gudiga barlamaanka Puntland ee u qaabilsan dastuurka iyo bulshada qeybeheeda kale loogaga tashan lahaa cutubyo ka tirsan dastuurka Soomaaliya oo wax ka badal lagu sameeyay sida uu sheegay xildhibaan Burhaan Aadan oo kamid ah gudiga dastuurka.
Shalay ayay ahayd markii magaalada Garoowe ay gaareen wefdi uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga dib u eegista dastuurka labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid kaasoo sheegay in ay magaalada Garoowe ku qabanayaan shir ku saabsan dib u eegista dastuurka.
Sida qorshuhu uu yahay geeddi socodka qabyo tirka dastuurka Soomaaliya ayaa la rajeynayaa in lasoo dhamaystiro kahor sanadka 2020 oo xiliga la qorsheeyey in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod, walow ay jiraan caqabado isbiirsaday oo uu ammaanka ugu horeeyo.
Warning: Use of undefined constant newstheme_showtags - assumed 'newstheme_showtags' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 60
Warning: Use of undefined constant newstheme_showauthor - assumed 'newstheme_showauthor' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 86
Warning: Use of undefined constant newstheme_showcomments - assumed 'newstheme_showcomments' (this will throw an Error in a future version of PHP) in /home/u715449061/domains/news.khaatumonews24.com/public_html/wp-content/themes/khaatumonewss/single.php on line 92
Hoose Ku Qor Fikradada ( 0)
Comments are closed.