War Deg Deg Ah Daawo Video:Dagaal Culus Tukaraq Ka Dhacay iyo Khasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac,

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska hor-imaad khasaare sababay oo duleedka deegaanka Tukaraq ku dhexmaray ciidamo ka kala tirsan kuwa Puntland iyo Somaliland ee ku wada sugan furimaha hore ee dagaalka Tukaraq.

Halkan Ka Daawo video

Saraakiil ku sugan furimaha dagaalka ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo katirsan kuwa difaaca ee Puntland ay galeen saldhig ay duleedka Tukaraq ku leeyihiin ciidaamda Somaliland kadibna ay gaarsiiyeen khasaare isugu jira dhimashoiyo dhaawac.

 

Wasiirka amniga Puntland ayaa suxufi Garoowe ku sugan u xaqiijiyey in dagaalkaasi uu dhacay isla markaana Puntland ay xogtiisa gadaal ka bixin doonto, walow gudoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland uu xaqiijiyey in dagaalku ahaa mid gaadmo ah oo saldhiggooda lagu qaaday.

 

Dhina kalena warar hoose ayaa sheegaya in weerarka ay ka dambeeyeen malayshiya beeleed ka soo jeeda gobolada Sool iyo Cayn isla markaana si iskood ah isku abaabulay doonayana inay ka qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah Somaliland.